Abwaan “Ciyaarjecel” oo ummadda ku boorriyay iney is gargaaraan

cabdi-shire (1)

Abwaanka Soomaaliyeed ee Cabdi Shire “Ciyaar jecel ayaa ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed iney is gargaaraan.

Abwaanka oo ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in gobolkaasi ay ka jirto abaar daran oo saameeyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, wuxuuna ku boorriyay dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iney u gargaaraan walaalohooda tabaaleeysan.

Sidoo kale abwaanku wuxuu tix suugaan ah ku tiriyay baaxadda dhibaatada ka dhalatay abaartaasi, isagoo muujiyay sida uu uga xunyahay dhibaatada dhinaca nolosha ah ee heysata dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale abwaanka ayaa waxa uu ku guubaabiyay dadka wax heysta in maalmaha ciidda ay wax siiyaan dadka danyarta ah, si ay farxada ciidda ula qeybsadaan ummadda inteeda kale.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post