Home.Warka

Ciidamada Dalka oo iska Difaacay weerar Shabaab kusoo qaadeen Baydhabo

Like Tweet Pin it Share Share Email

Somali-soldiers-006

Ciidamada xooga dalka soomaliyeed iyo Kuwa AMISOM ayaa ka hortagay weerar ay xalay maleeshiyaadka Shabaab ay kusoo qaadeen magaalada Baydhabo.

Iska hor’imaad saacado socday ayaa xalay ka dhacay xaafad ka mid ah magaalada Baydhabo, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ay weerar kusoo qaadeen magaaladaasi.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii dadka deegaanka ay ku wargeliyeen ciidamada maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay magaalada, waxeyna ciidamadu bilaabeen iney ka hortagaan maleeshiyaadkaasi, islamarkaana ay kala ceyriyaan.

Ma jiraan wax qasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah iyo ciidamada intaba, waxeeyna ciidamadu saaka sii wadaan howlgallo dheeraad ah oo ay ku xaqiijinayaan amaanka magaalada Baydhabo.

Arrintan ayaa loo arkaa mid argagixisadu ku qal qal gelineyso amaanka magaalada Baydhabo, inkastoo ciidamada XDS ka hortageen falkaasi una diideen damacoodi ahaa iney wax u dhimaan amaanka.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *