Home.Warka

Dowlada Turkiga oo kaalmo bini’aadanimo soo gaarsiisay dalka

Like Tweet Pin it Share Share Email

somalia-aid1

Dowlada Turkiga oo ka jawaabeysa baaqa dowladda federaalka ee ku aadan in loo soo gurmado dadka ku tabaaloobay abaarta ka taagan dalka, ayaa durba waxa ay dalka soo gaarsiisay raashin gargaar ah oo ka kooban Tobon Kun oo mitirig Ton oo loogu talagalay dadka abaartu saameeysay.

Mar aanu booqanay Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaan la kulanay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta bisha cas ee Turkiga,  kuwaas oo ku mashquulsanaa dejinta markab aad u weyn oo ka yimid dalka Turkiga sidayna mucaawino loogu tala galay dadka Soomaaliyeed.

Markabka ayaa siday 10,000 metric ton(Toban kun metric ton) oo raashin ah waxayna mas’uuliyiintaas ka socday bisha cas xuseen  sheegeen in loogu talo galay deeqdan dhamaan goballada dalka, shixnadan raashinka ah ayaa ka koobneyd Sokor, Bur iyo Baasto

Mustaf Yilmaz oo ah Madaxa wafdiga hay’adda bisha cas ee dalka Turkiga ee  dalka soo gaarsiiyay kaalmada raashinka ah ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay qorshaha hay’addu ugu talagashay in ay wax ugu qabato bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in tani ay ka turjumeyso xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Mr Mustaf Yilmaz oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin caawinta, maadaama mashaariicdii hore ee ay ka fulin jireen dalka ay ugu badneyd kuwa xagga dib u dhiska ah, iminka ay diyaar u yihiin inay kaalin ka qaataan samata bixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Hay’adda bisha cas ee dalka Turkiga ayaa ka mid ah hay’adaha samafalka ee ka qeyb qaatay u gurmashada shacabka sanadkii 2011-ka xilligaasi oo ay dalka ka dhaceen macluul aad u daran oo galaafatay nolosha dad iyo duunyo, iyadoo mas’uuliyiinta hay’adda ay iminka tilmaameen inay markale diyaar u yihiin wax u qabashada shacabka.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *