MAAMULKA KMG EE JUBADA OO KU DEEQAY $50,000 OO WAX LOOGA QABANAYO ABAARTA JUBBOOYINKA

Axmed-Madoobe1

Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lacag dhan $50,000 wuxuu ugu deeqay in wax looga qabto abaarta ka jirta deegaannada Jubbaland ee uu maamulkiisa ka arrimiyo. Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in deeqda lacagta uu ugu talagalay in si horudhac ah biyo iyo raashin loogu iibiyo dadka ay abaartu saameysay, isagoo xusay in abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada ay ka jirta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

 

Wuxuu sheegay inay sameeyeen guddi qaabilsan wax ka qabashada abaarta, oo ka kooban wasiirro iyo ganacsato, kaas oo la doonayo inuu si deg-deg ah ula tacaalo xaaladda abaarta ee gobolka.

Wuxuu u jeediyay hay’adaha samafalka iyo dowladda Soomaaliya inay gargaar deg-deg ah la soo gaaraan dhibbaneyaasha abaarta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

 

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post