Madax Weeynaha Dalka Somalia ayaa dib ugu soo laabtay wadanka

Xasan-soo-dega-515x343

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay,  kadib markii uu soo dhameysatay safar shaqo oo uu ku tegay dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde,  kusoo dhaweeyay gudoomiyaha baarlamanka, R/wasaaraha , wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne farabadan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka XDS qeybta salaan sharafta, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh ka warbixiyay safarkii u ku tegay New-york iyo kulamadii kala duwanaa ee uu halkaasi uga qeybgalay.

Madaxweynaha ayaa magaalada New-York uga soo qeybgalay shirka 69-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo sanadkiiba mar la qabto.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post