100 al-Shabaab ah oo isu dhiibay Maamulka Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

somalia_2353699b

Maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay dhankooda diyaar u yihiin in ay Hirgeliyaan, Go’aankii dowladdu soo saartay ee ahaa in Al-shabaab dhalinyarada ka tirsan ay Cafis yihiin hadii ay kasoo laabtaan Wadada qaldan sida uu hadalka u yiri.

Gudoomiyaha degmadaas, Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa sheegay in ay maamulka Jalalaqsi isu dhiibeen Niman Al-shabaab ah, sidoo kalena ay hadda u Furantahay kuwa kale ee ka Tirsan Ururkaas in ay isu soo dhiibaan Maamulka Dowladda ee Gobolkaas.

“Cafiskii Madaxweynaha in ay ka Faa’iideystaan ayaan usoo jeedinay dhalinyarada la qalday, Odayaasha ayaan la kulanay una sheegnay in ay soo diiwaan Geliyaan cid walba oo Shabaab uga jirta, Denbiile lama damiinan karee waxaan u sheegeynaa in ay Yimaadaan, kana soo hanuunaan Leynta dadkooda” ayuu yiri Fiidow.

Tiro ka tirsan Ciidamada Al-shabaab ayuu sheegay Gudoomiyuhu in ay Odayaashoodu u keeneen Maamulka, kuwaa oo Go’aansaday in ay Al-shabaab ka baxaan, 100 nin ayeey ahaayeen waana lasoo dhoweeyay, ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gobolka Hiiraan waxaa uu ka mid yahay Goobaha ay Al-shabaabka ugu badan iska dhiibeen tan iyo markii ay Dowladdu ku dhawaaqday, Cafis ay u Fidisay Saraakiisha iyo Ciidamada Al-shabaab, hadii ay isu soo dhiibaan, Muddo 45 Maalmood ah.

Share this post

Post Comment