Home.Warka

Maxaad ka Taqaanaa magaalada Jilib

Like Tweet Pin it Share Share Email

images1

Magaalada Jilib waa magaalada ugu weyn Gobolka Jubbada Dhexe, isla markaana ah magaalo madaxdii hore ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa hoos yimaada tuulooyin badan, waxaa Daga qabiilka shiiqaal ,waxaa laga helaa degmada qabaa,il kale oon saas ugu badnayn degmada waxaana ka mid ah qabiilka jareer,biyomaal, gaaljecel , Jiida, Dabare.

Dadka dagan degmada waa  xoolo dhaqato iyo beeraleey iyo ganacsato. Magaaladani waxay caan ku tahay beeraha. waana magaalo dad aad u fara badani ay ku noolyihiin.waxaana nawaxigeeda ku yaalo warshaddii Mareeyey ee sokort iyo mashrucii faanole ee bariska.

Waxayna ka kooban tahay 5 xafadood degmada jilib wa sidatan:

1.faanoole     2.bandar jadiid     3 .  holwadaag  . 4.manya gaabo  5. waaberi. shantaas  xaafadood ayay ka koobantahay degmada jilib . sidoo kale degmada waxaa ku ooli jiray  kaniisad .

waxaa kale aad arkeysaa marka aad degmada kashid boondo weyn uu shinaha dhisay waxay ku talaa xafad  magaceda la yirahdo manya gaabo magala wa shantaraal waxa isku marta 4 wada oo kabaxdo ama so gasho.  waxaana  ku yala shirkadaha is garsiinta telphone nada sida Hormuud Nation iyo Somtel.

images-2

magaalada dhanka wax barashada waxaa ku yaala madaris fara badan waxaa ka mid ah dugsiga hoose dhexe iyo sare ee degmada jilib ,dhanka caafimaada waxaa ku ooli jiray isbitaala ay dawladii dhexe u dhistay walaw hada uusan sidii la rabay u shaqaynin .

sidoo kale waxaa ku yaalo hotelo iyo  dhismayaal aad u waaweyn oo qadiimi ah hotelada waxaa ka mid ah Hotel  Ganane iyo hotel homboy, hotel danwaa,iyo hotel guuleed waxa kalo jirta diinimadii dabka oo ku jirto tuulada malende jilib hoos timaado

sidoo kale magaalada jilib waxa ay xaruma u ahaan jirday dhamaan xafiisyada dawlada dhaxe ee gablka jubada dhexe  magaalada waxaa ka holw gali jiray alshabaab ka hor  hay ado farabadan oo ka tirsan qaramada midoobay.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *