Xujeyda Soomaliyeed oo laga codsaday inay ku nagaadaan goobaha Barakeysan

foto-kabah

Ayadoo maalmo yar eey naga xigaan Gudagalka acmaasha Xajka ayaa weli waxaa si xowli ah ugu soo qulqulayaa Dalkan Boqortooyada Sucuudiga Xujeyda gudaneysa sanadan xajka 2014.

 Inkabadan halmilyan iyo bar Xujey Muslimiin ah ayaa ilaa haatan soo gaaray dalkan waxaana badankood loo gudbiyey Magaalooyinka barakeysan ee Maka Al Mukarama iyo Madiina al-Munawara.
 
Xujeydaasi waxaa kamid ah Somali farabadan oo kasoo xajisay dalka gudihiisa & dibada kuwaas oo iminka ku sugan deegaanada Barakeysan.
Gudiga Bicthada Xujeyda Somaliya ayaa dadaal weyn ujira sidii Xujeyda acmaashooda ugu fududeyn lahaayeen Isla markaana hore dajiyey guryo ku yaala Magaalooyinka barakeysan.
 
Dhankale Siihaya Qunsuliyada soomaliyeed ee magaalada Jidda Mudan eDaahir Axmed Wehliye ayaa Xujeyda Soomaliyeed ka codsaday iney ku nagaadaan goobaha Barakeysan inta ay kasoo dhameysanayaan Acmaashooda.
 
Hadaba Dowladda Sucuudiga ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u dabooli leyhd baahiyaha kala duwan ee duyuufu raxmaanka iyadoo deegaanada barakeysan ugu diyaarisay Goobo caafmaad iyo dhaqaatiir latacaasha caafmaadkooda

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post