3 qof oo gaajo iyo harraad ugu dhimatay Jubbada Hoose.

038538-somalia-famine

Saddex qof ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay harraad iyo gaajo ugu geeriyootay deegaannada Diif iyo Deg-elemaa, oo hoos-taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Maxamed Cabdi Suraa, oo ka mid ah odayaasha deegaannadaas, ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay dhimashada saddexda qof oo mid ka mid ah uu ahaa qof da’ ah.

Wuxuu tilmaamay in biyo la’aan baahsan ay ka jirto deegaanka.

Maxamed Cabdi ayaa xusay in deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose ay ka jirto abaar iyo biyo la’aan saamayn ku yeelatay dadka iyo xoolaha.

Dadka ku nool deegaannada ay abaartu ku dhufatay ayaa u badan dad xoolo-dhaqato ah.

Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lacag dhan $50,000 wuxuu ugu deeqay in wax looga qabto abaarta ka jirta deegaannada Jubbooyinka ee uu ka arrimiyo maamulkiisa.

Share this post

Post Comment