Axmed Madoobe iyo AMISOM oo ka wadahadlay dagaalka Al-Shabaab.

Axmed-Madoobe-III

Saraakiisha ciidanka AMISOM ee ku sugan degmada Kismaayo iyo hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ka wadahadlay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in la gaaray xilligi kama dambeysta ahaa ee Al-Shabaab laga saari lahaa dhammaan deegaannada uu ka taliyo maamulkiisa, ayna diyaariyeen ciidankii howlgalladaas fulin lahaa.

Madaxa howlgalka ciidanka AMISOM ee Kismaayo Jeneral Aliyow Gambe ayaa dhankiisa soo dhaweeyay in la sameeyo howlgal Al-Shabaab looga saarayo Jubbooyinka.

Gambe ayaa bulshada ka codsaday in ay taageeraan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo xusay in awooddii kooxda la wiiqay dhowaanna la ciribtiri doono.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post