Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir oo si nabad Gelyo ah looga ciiday

Ciid

Degmada kaxda ee Gobolka Banadir  ayaa waxaa saakay laga dareemayay jawi aad u dagan kaasi oo Bulsha waynta kun ool degmadu ay ku gudanayeen Munaasabada wayn  ee Ciidul Adxaa.

fagaaraha  waaweyn ee Magaalada ayaa waxaa lagu maqlayay Takbiirta tan arooryadii hore , waxaana kamid ahaa fagaraha waaxda janaraal liiqliiqado  .

Wadooyinka waaweyn ee Degmada kaxda ayaa waxaad ku arkaysaa Dadwayne isku jira Rag Dumar iyo Caruur oo ku labisan Dhar aad u qurux badan oo indhaha soo jiidanaya , iyada oo ay Wajiyada Dadka ka muuqatay Farxad aad u wayne.

 

Waxaana dhamaan Masuuliyiintaasi ay Bulshada waynta ugu Hambalyeeyeen Munaasabada Ciidul Adxaa iyaga oo kula dardaarmay inay Amnigooda ilaa shadaan.

fagaaraha  waaweyn oo ah janaraal liiq liiqado  ee degmada kaxdA  waxaa Salaadii Ciida kadib Khudbada Ciida soo jeediyay SH.Axmed mawliid waxaana uuna Dardaaramo kala duwan usoo jeediyay Bulshada qaybeheeda kala duwan Dhalinyarada , Dumarka ,iyo Odayaasha waxaana uu sheegay in laga doonayo Dadwaynaha Kaxda  ku nool inay Midoobaan kana hortagaan wax walba oo Horumarkooda ka hor imaanaya.

sh.axmed mawliid waxaa uu aad ugu booriyay Dadka inay Amaankooda ilaashadaan kana fogaadaan wax walba oo khal khal ku keeni kara Amniga

Sikastaba ha ahaatee inta badan Dadwaynaha Degmada Kaxda  ayaa Maantay u dabaal dagayay Munaasabada Ciidul Adxaa.

wixii kaloo aqbaar ah kala soo xiriir Faafiye.com

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post