Diyaaradaha Dalka Kenya oo Duqeeyey fariisimo eey leeyihiin Al-Shabaab

kenya-airforce-f-5-aircraft

Diyaaradaha Dagaalka ee dowladda Kenya ayaa dhinaca cirka ka duqeeyay saldhig ay maleeshiyaadka Shabaab ku lahaayeen degmada Jilib.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Jilib ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay shalay gantaal ku dhufteen saldhigi booliiska ee degmadaasi oo fariisin u ahaa maleeshiyaadka Shabaab.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa la sheegay iney xireen waddooyinka soo gala saldhiga, si an loo arkin qasaaraha ka soo gaaray duqeyntaasi, ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga waxyeellada ka dhalatay duqeeyntaasi.

Sidoo kale diyaaradaha ayaa lagu soo waramayaa iney isla shalay duqeeyeen saldhig kale oo kooxda Shabaab ku laheyd duleedka magaalada Jilib, waxana dadka ku nool jilib ay sheegeen iney arkayeen qiiq iyo uuro madow oo hawada isku shareeray.

Malleeshiyaadka Al-shabaab ayaa xilligan waxaa soo wajahay culuskii ugu darnaa, kadib markii uu bilowday howlgalka Badweynta Hindiya oo loogala wareegay inta badan magaalooyinkii ay gacanta ku hayeen, iyadoo saacadaha soo socdana la rajeeynayo ineey ciidamadu la wareegn Baraawe oo xarun u aheyd Shabaab.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post