Home.Warka

Roobab Xoogan ooka da'ay Raaso

Like Tweet Pin it Share Share Email

Rainy

Wararka laga helay gobolka Af-dheer gaar ahaana magaalada Raaso  iyo nawaaxigeeda ayaa sheegaya in roobab mahiigaan ahi ay ka curteen deegaanadaasi.

Magaalada Raaso oo ay ka jirtey biyo la’aan aad u baahsan ayaa lagu soo waramayaa in ay roobsatay, sidoo kale deegaanada Hawdka ee gobolka Af-dheer  ayaa laga soo sheegayaa in roobabku ka hooreen.

Deegaano ay kamid yihiin Hawda , iyo ceel afweyn iyo degaano  kale ayaa la sheegay inay roobsadeen sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka oo la hadlay shabakada wararka ee Allsomaliweyn.com

Dhanka galbeed ee magaalada Raaso   ayaa la soo sheegayaa inay meelaha qaar Roobsadeen, Sida magaala qansax iyo xunbaweyne oo dhaca galbeedka Raaso .
Iskusoo wada duuboo roobabkan ka curtay Magaalada Raaso  iyo Deeganada hoos yimaada ayaa kusoo beegmay xili dadka deegaanku aad ugu baahnaayeen raxmaadka Alle iyadoo biyo ay sii yaraanayeen sidoo kale baadka xooluhu cunaan ee daaqu uu ahaa mid gabaabsi ah. kala soco faafiye wixii aqbaar dheeri ah.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *