Home.Warka

Dagaal Culus ayaa kasocda magaalada Baraawe

Like Tweet Pin it Share Share Email

 

140908094355_africa_somalia_amisom_hrw_rape_512x288_afp_nocredit

Saddex askari oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa lagu dilay weerar si gaadmo ah loogu qaaday magaalada Baraawe xeebta Jasiira agteeda. Alshabaab ayaa sheegtay inay qaaday weerarka.

rasaas culus aroortii hore ee Isniinta laga maqlayay magaalada Baraawe, maalin kaddib markii ay halkaas gaareen ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Magaalada aya la sheegayaa in haatan ay deggan tahay, oo noolosha ay caadi ku soo noqotay.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ee gaaray magaalada ayaa la sheegayaa inay meel fagaaro ah kula hadleen dadweynaha.

Ururka Al-Shabaab ayaa ka baxay magaalada dhowr maalmood ka hor, kaddib markii ay ku soo dhawaadeen ciidammada AMISOM.

Al-Shabaab ayaa laga saaray inta badan magaalooyinka waaweyn, balse waxay weli ka taliyaan dhul ballaaran oo ku yaalla bartamaha iyo bariga Afrika.

Midowga Afrika iyo ciidamada Soomaaliya ayaa qabsaday magaalada istaraatijiyada ah ee Baraawe. Alshabaab ayaa haysatay magaalada lix sano. Midowga Afrika ayaa lagu soo waramayaa inay ku sii socdaan magaalooyinka u dhow Kismaayo inay ka qabsadaan Alshabaab.

Midowga Afrika iyo Ciidamada Soomaaliya ayaa bilaabay hawlgal milatari bishii September, si ay Al-shabaab uga saarayaan meelaha ay ka joogaan koonfurta Soomaaliya.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *