Madaxa Weeynaha Soomaliya oo Hajka u baqoolay

IMG_EEA2F7-81A968-869FE2-744BA7-19A9E3-CE0AAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xaaji Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Banka Carafo oo kamid ah maasigta xajka ama goobaha ugu muhiimsan ee xajka ayaa waxaa uu hambalyo u diray ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan munaasabadda Ciidul Adxa awgeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan maadaama lagu gudijro maalmo aad u fadli badan, asagoo sheegay in dhammaaan dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u duceeyaan dadkooda iyo dowladood

Madaxweynaha Qaanka oo ka hadlayey munaasibadda Ciidul Adxaa waxa uu yiri:

““Waxaan halkaan hanbalyo ku aaddan Ciidda Adxaa uga soo jeedinayaa shacabka Soomalaiyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhammaan Muslimiinta adduunka. Waxaan dadka Soomaaliyeed ku leeyahay ku ciida nabad iyo farxad. Waxaan Illaah ka baryayaa in aynu ciiddan ciideeda ku gaarno, nabad iyo horumar laga sameeyo dib-u-dhiska dalkeenna iyo adkaynta dawladnimadeenna.

“Waxaan rajaynayaa in farxadda ciiddu ay adkayso midnimada iyo walaaltinimada dadka Soomaaliyeed. Ha inna xusuusiso ciiddu isku-tiirsanaanta iyo wax-wadaagga dadkeennu ku sifoobey. Isu imaada oo is kaalmeeya, is cafiya oo wadajirkiinna ilaasha, nabadda iyo dawladnimada ka wada shaqeeya oo diida dagaalada ku dhisan fikradaha qalloocan iyo qabyaaladda. Mar kale waxaan idin leeyahay hanbalyo iyo ciid wanaagsan”.

Ciid Mubaarak Wa Kulli Caam Wa Antum Bikhey

 

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post