Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo tegi Doona Maxkamada Dagaalka Aduunka

imagesZAZR5JRZ

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu awoodda dalka si ku meel gaar ah ugu wareejinayo ku xigeenkiisa, inta uu dalka kaga maqan yahay dhegeysiga dacwad ka dhan ah oo uga furan Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada.

Mr. Kenyatta waxaa loo haystaa ilaa shan kiis oo la xiriira dembiyo ka dhan ah aadminimada. Waxaana lagu eedeynayaa inua gacan ka geystey abaabulka rabshadihii dhacay doorashadii lagu murmey ee Kenya sannadkii 2008.

Isagoo magaalada Nairobi kula hadlayey baarlamanka, hoggaamiyaha Kenya waxaa uu sheegay inuu xishmeyn doono dalabka looga doonayo inuu maalinta Arbacada ku hortago xarunta maxkamadda ee The Hague, halkaas oo dacwadiisa lagu eegi doono.

Waxaa uu sheegay in inta uu dalka ka maqan yahay, ku xigeenkiisa William Ruto uu ahaan doono si hayaha jagada madaxweynaha.

Maxkamadda ICC ayaa sidoo kale dacwad la xiriirta dembiyo ka dhan ah aadminimada soo oogtey Mr Ruto, kuwaas oo qeyb ka ah rabshadihii 2008-da.

Dhegeysiga dacwadda Mr. Kenyatta ayaa horey loo filayey inuu dhaco bishii February.  Laakiin dhowr jeer ayaa dib loo dhigey, iyadoo Dacwad Oogaha Guud ee ICC, Fatou Bensouda, ay sheegtay in dowladda Kenya aaney maxkamadda u gudbin dokumenti muhiim ah oo laga dalbadey

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post