Qiimaha qaadka oo ka raqiisay Nairobi

_41526910_chat416

Tan iyo markii dalka Britain laga mamnuucay qaadka, waxa uu qiimo dhac ku yimid qiimaha qaadka la kala iibsado magaalada Nairobi gaar ahaanna xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Tirada dadka qaadka cuna ee xaafadda Islii ayaa sara u kacday maadaama haatan uu qiimahiisu uu hoos u dhacay xitaa dumarkii ayaa qaadanaya.

Arrintaasi ayaa sababtay in koox ka kooban dhakhaatiir iyo dhalinyaro iskood isku soo abaabushay ay xaafaddaasi ka billaabaan olole talooyin iyo wacyi gelin loogu fidinayo dadka qaadka isticmaala oo qaarkood la sheegay in ayba qabaan xanuun dhanka maskaxda ah.

gabdhihii ayaa xitaa qaadanaya oo qayilaya maxaa yeeley wuxuu noqday raqiis dadkuna weey awoodaan ineey qaataan basle waagii hore waxaa loo dhoofin jiray London ayeey tiri gabar meel marfish ah ka qaadaneeysey qaad. hada qaadku wuxuu hoos u dhacay 50% lacagtii waagii hore lagu gadan jiray marka loo barbar dhigo waaka raqiisan yahay hada.

Share this post

Post Comment