Home.Warka

Ciidammada Commandos-ka oo Baraawe howlgallo ka wada

Like Tweet Pin it Share Share Email

8767C3BF-7604-471E-B744-C3886DFCCE2A_mw1024_s_n

Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidammada AMISOM ayaa weli magaalada Baraawe ka wada howlgallo ammaanka lagu xajiinayo, iyadoo howllladaasi ay si gaar ah uga qeyb-qaadanayaan ciidammada Commandos-ka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka tirsan.

Abaanduulaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya, saraakiisha AMISOM iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, ayaa maanta Boqolaal shacbiga magaalada Baraawe kula hadlay garoonka Kubadda Cagta ee magaaladaasi, waxa ay dadweynaha u sheegeen in ay gacan siiyaan inta uu socdo howlgalka xasilinta ee magaalada looga baarayo haraadiga Al-Shabaab.

Odeyaasha Dhaqanka oo warbaahinta Qaranka kula hadlayey gudaha magaalada Baraawe, ayaa ballan qaadey in si aan gabaad lahayn ciidammadu ugu sheegi doonaan Al-shabaab haddii ay ku arkaan gudaha magaaladaasi.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *