Minneapolis iyo Boosaaso oo la mataaneynayo.

jhjbosaso4

Golaha Deegaanka magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan ayido qorshe hoggaamiyeyaasha jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota ay ku doonayaan in la mataaneeyo magaalooyinka Minneapolis iyo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxda jaaliyadda Soomaalida iyo ganacsato waa-weyn oo Soomaali ah ayaa u ololeynaya qorshaha mataaneynta Boosaaso iyo Minneapolis.

Xubnaha golaha deegaanka Minneapolis ayaa lagu wadaa inay Khamiista soo socoto go’aan kama dambeys ah ka gaaraan qorshaha.

Cabdi Warsame oo ah Soomaali-Mareykankii ugu horreeyay ee xubin ka noqda golaha deegaanka Minneapolis ayaa sheegay in haddii uu hirgelo qorshahan, uu horseed u noqon karo horumar laga sameeyo dhinaca xiriirka u dhaxeeya bulshooyinka ku nool labada magaalo.

Cabdi ayaa sheegay in sidoo kale arrintan ay sare u qaadi karto maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay Mareykanka iyo caalamka intiisa kale.

Haddii uu hirgelo qorshahan, Boosaaso ayaa noqon doonta magaaladii tobnaad oo la mataanowda Minneapolis.

Magaalada Minneapolis waxaa ku nool Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post