Turkiga waa walaal laysku halleeyn karo

somali-turkey3

Burburkii Dowlada dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991dii iyo raadadkii uu reebay ayaa lagu tilmaamaa xiliyadii ugu adkaa ee soo mara taariikhda Soomaaliya, colaado qabiil, abaaro, cuduro iyo jahawarer siyaasadeed ayaa sabababay in Soomaaliya dhaxda ka fariisato sadax iyo labaatan sano oo madow.

Waxaa dad badani rumeysan yihiin hadii Soomaaliya lahaan laheyd saaxiib run ah ka sal gaarida dhibaatada Soomaaliya intaas wax badan ayay ka yaraan laheyd, wadamo badan oo ay ku habsatay mid la mid ah dhibaatadii ku dhacday Soomaaliya waxaa u soo gurmada oo gacanta qabtay dalal ay la lahaayeen xiriir dhow oo walaaltinimo.

Dalka Turkiga ayaa fiirsan waayay murugada Soomaaliya ee aan dhamaadka laheyn waxayna qaateen go’aan aad u adag kaas oo ku soo aaday waqti  aad loogu baahnaa,  xiligaa oo kumanaan Soomaali ahi gaajo iyo harraad u dhinteen, malaayiin kale ay la il daran yihiin halka caalamkuna indhaha un ka fiirsanayay.

Waxaa dalka booqasho ku yimid Raysal wasaarihii hore ee Turkiga Recep Dayib Erdogan oo ay wehliyaan qaar ka mid ah golohiisa wasiirada, baarlamaanka, xaaskiisa iyo weliba caruurtooda, in lagu dhiirado imaatinka Soomaaliya xiligaas ma ahayn wax fudud hase yeeshee iska daa imaatinka magaalada Muqdisho’e wuxuu dhax galay xeryihii dadkii qaxootiga ahaa oo xataa mas’uuliyiinta heerka hoose ayan booqan karin, waxaa mar qura laga daawaday shaashadaha caalamka Erdogan iyo xaaskiisa Amina oo dhabta ku haya caruur Soomaaliyeed oo dhibaateysan.

Durbaba waxaa biloowday gar-gaar bini’aadanimo oo aad u balaaran, kaas oo deg-deg loo gaarsiiyay dhamaan dadkii tabaaleysnaa, waxaa furmay xiriirkii caalamku la lahaa Soomaaliya, waxaa is bedelay noloshii dalka iyo dadka, waxaa dalka dib ugu soo laabtay in badan oo ka mid ah qurbo joogtii Soomaaliyeed.

Waxaa lagu tilmaamaa in xiriirka cusub ee Turkigu horseed u noqday in madax badan oo caalamka ah Soomaaliya soo gaaraan, safaarado badana dalka dib looga furo, guud ahaan noloshii dadkuna is bedeshay.

Share this post

Post Comment