Home.Warka

Axmed Madoobe iyo Nicholas Kay oo ku kulmay Kismaayo.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Axmed-Madoobe1

Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Nicholas Kay.

Labada mas’uul ayaa kulankooda kaddib shir jaraa’id ku wada qabtay Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inay danjiraha ka wadahadleen dhameystirka heshiiskii Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen maamulkiisa iyo dowladda federaalka ah, horumarinta ciidamada, hirgelinta nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya iyo qodobbo kale.

Wuxuu xaqiijiyay inay  isku afgarteen dhammaan arrimihii ay ka wadahadleen.

Danjire Nicholas Kay iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa saakay booqday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *