Dagaal ka dhacay Hiiraan.

Al-Shabaab-III

Dagaal gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray tuulo lagu magacaabo Cabdikariim oo ku taalla galbeedka magalaada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Kabtan Cabdifitaax Axmed Cismaan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada booliska ee magaalada Beledweyne ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay in saddex ka tirsaneyd maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dileen afar qorina ay ka furteen, ayna la wareegeen gacan-ku-haynta deegaankaas.

Wuxuu sheegay in ay weerar ku qaadeen fariisin ay Al-Shabaab ku lahayd deegaankaas, kaddib markii ay ka warheleen inay dhibaato ku hayso dadka rayidka ah.

Cabdifitaax Axmed Cismaan ayaa caddeeyay in aanu dhankooda wax khasaare ah ka soo gaarin dagaalka, isagoo xusay in ay sii baacsanayaan haraadiga Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayuu ujeediyay inay la shaqeeyaan ciidanka dowladda Soomaaliya si loo sugo amaankooda.

Share this post

Post Comment