Home.Warka

Jawaari oo Danjirayaal ka socda Yurub ku qaabilay Muqdisho

Like Tweet Pin it Share Share Email

Prof.Maxamed-Sheekh-Cismaan-Jawaari

Ugu horeyn Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu xafiiska ku qaabilay Safiirrada Dowladaha Swizerland,Talyaaniga iyo Midowga Yurub iyadoo Danjiraha dowladda Talyaanigana uu wehliyey taliyaha cusub ee ciidammada Badda dowladda Talyaaniga waxaana dhammaan safiirradaasi uu kala hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka yoolka la hiigsanayo 2016ka iyo kaalinta ay dowladahooda ku yeelan karaan.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo markii kulammadaasi ay soo gebageboobeen kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahiyey waxyaabihii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka kala hadlay Danjireyaasha uu la kulmay isagoo xusay in dhamaan qodobada laga hadlay la isku afgartay gaar ahaan in dhinacyo badan lagu taageero Soomaaliya.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu shir gudoomiyey shirka todobaadlaha ee Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka kaasi oo looga hadlay qorshe howleedka Baarlamaanka ee Kalfadhiga 5aad waxaana kulankaasi xubnaha guddiga Joogtada ah kala soo qeybgalay qabiir mudo 20sano ka badan la shaqeynayey Baarlamaanka dowladda.

Kulammada maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeysa oo ay ku yaalaan xafiisyada Guddoonka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa qeyb ka ah kulammo howleedyo maalin kasta ay Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Joogtada ah sameeyaan.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *