Ruux ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya oo lagu qabtay Jowhar

weed

Gudddoomiyaha degmada Jowhar Maxmed Cabdulle Caqiil ayaa sheegay in marna aysan u dul qaadan doonin in gudaha magaladaasi lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya.  guddoomiyaha oo maanta oo Khamiis ah warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in ay sii socon doonaan howl gallada lagula dagalamayo shaqsiyaadka ka beec mushtara waxyaabaha maanka dooriya.

Ciidmada booliska iyo kuwa nabad sugida dowladda Federaalka ayuu sheegay guddoomiyaha degmada Jowhar in maanta ay gacanta ku soo dhigeen ruux la sheegay in uu ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya.  Sheekh Axmed Ibraahim oo ah guddoomiyaha maxkamada racfaanka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa cod dheer ku sheegay in ay ka soo hor jeedaan waxyaabaha ay xaaraantinimeysay diinta oo uu ka mid yahay ka ganacsiga maan dooriyaha.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post