Madaxweynaha: “24 sano kaddib caawa waxaan isugu nimid weyneynta calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya

DSC058031

Munaasabad lagu xusayay Maalinta calanka dalka oo ku beegan sanad guurada 60-aad ee ka soo wareegtay markii la sameeyay calanka oo ku beegneyd 12-kii October sanadkii 1954-tii, oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah, Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa xalay lagu qabtay xarunta Maamulka Gobolka benaadir ee degmada Heliwaa.

Madaxweynaha iyo mas’uuliyiintii la socotay waxa ay salaam sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo isla goobta lagu saaray calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Fanaaniinta kooxda Deegaan, Shamsu-diin band, Hobolada Qaranka ee Waaberi iyo kooxda bar baarta gaashaaman ayaa goobta ku soo bandhigay suugaan ka hadlaysay qiimaha uu calanka baluugga ah ee dhexda ku leh xidigta shanta gees leh u leeyahay Ummadda Soomaaliyeed.

Cabdi Xaaji Goobdoon iyo Xaaji Shukri Sheekh Axmed oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay taariikhda calanka iyo halgankii loo soo maray, iyagoo ku baaqay in shacabku ay ilaaliyaan midnimada Ummadda.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa sheegay in maamulka Gobolka ay sharaf weyn u tahay qaban qaabada xuska maalinta calanka dalka, maadaama loo igmaday inay xafladda soo agaasimaan.

Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ugu horeyn ciidanka u diray hambalyo ku aadan xuska maalinta calanka, maadaama ay ciidamadu ku guda jiraan howlgallada dalka looga xoreynayo maleeshiyada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa hoosta ka xariiqay in calanka Soomaaliya uu iska leeyahay muwaadinkasta oo Soomaaliyeed, loogana baahanyahay in ay u istaagaan difaacidda calanka, waxaana uu intaa ku daray in dadkii u halgamay calanka la xasuusto.

“Calanka muwaadinkasta oo Soomaali ah ayaa iska leh, ha u ogolaan in qofkasta uu wax ka sheego, waxaa lagama maar maan ah in bilad sharaf la siiyo geesiyaashii calanka naftooda u huray, waxaana rabaa in aan saddex qof hortiina ka xuso, kuwaasi oo kala ah Maxamed Cawaale Liibaan, Xuseen Aw-faarax iyo Cabdullaahi Maxamed Maxamuud “Cabdullaahi Qarshe” saddexdaan qof taariikhda Soomaaliya ayay baal dahab kaga jiraan” ayuu yiri Guddomiye Jawaari.

DSC056601

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gabo gabadii xafladda soo xiray ayaa ugu horeyn hambalyo u diray dhamaan Ummadda Soomaaliyeed maalinta calanka awgeed, waxaana uu intaa ku daray in qofkasta oo Soomaali ah in astaanta uu leeyahay ee lagu garanayo ay tahay calanka Soomaaliya.

“Qofkasta oo Soomaali ah astaanta uu leeyahay ee lagu garanayo marka uu caalamka meel ka mid ah joogo waa calanka Soomaaliya, mala fiirinayo gobolka uu ka yimid iyo meesha uu ka soo jeeda, calanka waa wax aan naga hareynin, waayo geesiyaasheena marka ay dhintaan calanka ayaa lagu dadaa, marka aan weyneyno calankeena” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in calanka uu yahay astaanta Qaranka ee ka wada dhexeyso bulshada Soomaaliyeed.

“24 sano kaddib caawa waxaan isugu nimid weyneynta iyo qiimeynta uu leeyahay calanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, dad badan oo Soomaali ah ayaa ka sheekeeyay dadkii u dhintay difaacidda iyo sameynta calanka, Ummaddana agtooda kuwaas sharaf ayay ka leeyihiin” ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

DSC058061

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan taageerada ay u hayaan dowladda, isla markaana ay gacan ka geystaan sidii loo sixi lahaa wixii qalad ah ee dowladdu ka dhacay.

“Dhawaan markii aan degmada Baraawe socdaalka ku tegay cisbitaal ayaa ku yaalla hay’ad ayaa qalabeysay, laakiin Shabaabku intaba waa ay ka rarteeen cisbitaalka, dadkeena diif ayaa ka muuqato oo ay Shabaabku gaarsiiyeen, marka kooxahan argagixisada nabad diid waa ay dhaafeen ee waa nolol diid” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay howlwadeenada dhanka caafimaadka qaabilsan in cisbitaalka degmada Baraaweay u diraan shaqaale u istaaga in ay u gurmadaan dadka halkaasi ku dhaqan, isagoo xusay in shacabka ay isu gurmadaan oo ay ka qeyb qaataan “Mashruuca dhiso dalkaaga”

“Waxaan Umadda ugu baaqayaa in ay isu gurmadaan, teeda kale hala garab istaago walaalaha Soomaaliyeed ee laga xoreeyay Shabaab, SOOMAALIYA HA NOOLAATO, SOOMAALIYA HA MIDOWDO, dhamaan dadka Soomaaliyeed  astaanta ay leeyihiin waa calanka ee aan wada hiigsano oo aan isugu nimaadmo calanka balluugga ah” ayuu Madaxweyne Xasan khudbadiisa ku soo gabo gabeeyay.

vbx

DSC058081

DSC058101

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post