Madaxda Barlamaanka Ingiriiska oo u codeynaya maanta aqoonsiga Dowladda Falastiin

Uk

Mooshinkan waxaa soo jeediyay Xildhibaan Garham Moris oo ka tirsan Xisbiga shaqaalaha ee dalkaas Ingiriiska.

Natiijada codbixintan kuma qasbana xukuumada inay dhaqan-galiso balse waxay horseedi kartaa aqoonsi buuxa oo dowladda ingiriiska aqoonsato dalka Falastiin mustaqbalka.

Codeyntan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa imanaysa kadib markii dalka Sweden uu si rasmi ah u aqoon-saday dalka Falastiin, iyadoo sheegtay in ay dhiiri-galin u tahay dalalka kale ee Yurub in ay ku daydaan.

Sweden ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee midowga Yurub ka tirsan oo tilaabadan ku dhaqaaqda, Sweden ayaa ku biirtay 100 dowladood oo u badan Afrika iyo Asia oo horay u aqoonsaday dalka Falastiin.

Dalka Faraniiiska ayaa ku tilmaamay aqoonsida dalka Falastiin arin wanaagsan oo dhabbaha u xaari karta heshiis dhab ah oo falastiiniyiinta la galaan Isra’il.

Dhinaca kale, Isra’il ayaa ka digtay in la aqoonsado Falastiin, iyadoo tilaabadaas aqoonsiga ku tilmaantay mid aan laga fiirsan oo hor istaagi karta geedu u socodka nabada bariga dhexe iyo wada hadalo dhex mara Isra’il iyo Falastiin.

Falastiin ayaa ku jira gacanta gumeysiga Isra’il tan intii Isra’il xoog kusoo degtay dhulka Falastiin 1948-dii.

Falastiin ayaa ku dhawaaqday madax banaanideen 15 November 1988, maalintaa kadib waxaa aqoonsaday 100 dowladood iyo qaramada midoobey balse dalalkaas kuma jirin midowga Yurub.

Share this post

Post Comment