Wardeg-dega Gudoomiyihii Jaaliyadda Somali Community Board Oo Xabsi kala Kulmay Xadduuda Dalka USA!!!!

 

Five Somali men face first recent US piracy trial

Dalka koonfur Afrika Oo ah dal ay ku dhaqan yihiin kumaan soomaali garab rarato ah ayaa haddana waxaa soomaalida k/afrika ay inta badan soo wajahda  dhibaatooyin iskugu jira dilal iyo boob joogta Ooay  inta badan ay kala kulmaan Burcad k/afrikaan ah mana jiraan cid wax kaqabata dhibaataynta marwaba loogaysto soomalida ku dhaqan tuulooyinka.

marka laga sootago dhibaatadda soomalida loogaysto ayaa haddana waxaa magalooyinka Capetown Iyo Johannesburg ka howlgala kooxo sheegta in ay yihiin hogaanka jaaliyadda soomaalida k/afrika waloow ay u kala qaybsan yihiin saddex qaybood Oo kala hadaf ah

Haddaba Somali Community Board waa urur kajira dalka k/afrika muddo badan soo shaqeeyay balse dalka k/afrika shacabka kudhaqan ay hadal hayaan tahriibka uu galay gudoomiyihiin dhawaan ay doorteen shacabka reer capetown,

gudoomiye Shekh C/rashiid caabi ayaa lagu soo waramayaa in uu kujiro xabsi xadka Maraykanka ah sida uu inoo xaqiijiyay Gudoomiye kuxigeenkiisa Muuse muude afrax Oo dhawaan shaaciyay in gudoomiye c/rashiid caabi uu xiran yahay aadna loga cabsi qabo in dalka somaliya dib loogu celiyo waa sida uu shaac kaqaaday xafiiska somali community board ayaa laga dareemayaa hadal haynta xariga c/rashiid caabi.

Shacaka Somalida K/afrika ayaa dareenka ay ka qabaan xubnaha hogaanka sheegta Jaaliyadda ku tilmaamay danaysinimo waa sida uu qabo mid kamid ah dhalinta somalida ee kunool magaalada Capetown daahir cumar Oo Inoo sheegay.

Soomaalida K/afrika ayaa leh kudhawaad Saddex Jaaliyadood Oo Kala ah Somali Association,Somali Community Board,Save Somali Community Oo dhamaantood Kawada Howlga halmagaalo.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post