Maamulada Gobolada Dhexe oo Qiyaano ku Tilmaamay Heshiiskii Garoowe

41

Maamulada ka jira Gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya  ee kala ah Galmudug,Ximan iyo Xeeb iyo gobolka Hiiraan  ayaa maanta si wada jir ah uga horyimid  Heshiiskii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ay ku Saxiixdeen Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Warsaxaafadeed maanta ay soo saareen ayey ku sheegeen Maamulada Gobolada dhexe in Heshiiskii Garoowe ay wada Gaareen Labo Dowladood oo siman islamarkaana aysan jirin Dowladd dhexe.

Waxaa ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay ku xad gudubtay Dastuurka Dalka,sida Qodobka 111-E,Qodobka 3-aad Farqadiisa 3-aad,Cutubka Lixaad Qodobkiisa 55-aad,kuwaas oo muujinaya in Dastuurka Soomaaliya lagu xad gudbay.

Madaxda Dalka Soomaaliya ayey ugu baaqeen in ay Dib u eegaan Heshiiska Shirkaas,gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud in uu dib ugu laabto.

Afhayeen u hadlay  Maamulada ayaa baaq u diaray Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya.

Sidoo kale Cabdi Xasan Cawaale ayaa sheegay in hadii aan la Ilaalin Dastuurka KMG ah ee Dalka uusan Nidaam jirin.

Shalay ayaa Dowladda Soomaaliya iyo Puntland waxaa ay Heshiis ku saxiixdeen Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Share this post

Post Comment