Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Baraawe Oo isbadalay iyo Kowgalo Ka Socda

Somali-National-Army2

Ciidamada dowladda ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka wada degmada baraawe iyo degaano hoos yimaada oo dhawaan laga xoreeyay xarakad Al-shabaab.

Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Sidii” oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadu ay howlgallo dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka ay ka wadaan magaalada Baraawe, isagoo intaa raaciyay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay dad la tuhunsanyahay iney ka mid ahaayeen ama siyaabo dadban ula shaqeeynayeen  Al-shabaab.

dhanica kale gudoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir “Siddii” ayaa sheegay in maamulka degmada ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada, wuxuuna  xusay in todobaadyo kadib maamulka degmadaasi lagu soo wareejindoono mas’uuliyiinta u magacaaban degmada.

“Siiddii” ayaa tilmaamay in dadka ku dhaqan Baraawe ay heystaan nabadgelyo iyo xorriyad, isagoo xusay in dhaq dhaqaaqii ganacsiga uu sare u kacay islmarkaana ay soo hagaageeyso nolosha dadka.

Degmada Baraawe ayaa ka mid ah magaalooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay shabaab.

Share this post

Post Comment