Home.Warka

Markab Ganacsato Soomaali urarnaa oo ku halaabay xeebta Soomaaliya

Like Tweet Pin it Share Share Email

Triple E container ship

Xeebta degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa waxaa ku ciladoobay markab siday maciishad kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuu markabka uu ahaa nooca xamuulka qaada,kaas oo u rarnaa ganasato Soomaaliyeed balse cilid ku timid aawadeed waxaa uu ku soo caariyay xeebta deegaanka Kabaal oo ku dhow degmada Eyl .

Markabkan waxaa la sheegay inuu ka yimid magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta,waxuuna ku soo jeeday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka,sida ay sheegen qar ka mid ah dadka deegaanka.

Deegaanka Kabaal oo ku dhow degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa la sheegay inuu markabku ku soo caariyay,waxaana qof deegaanka ah uu sheegay  inuu Markabku joogo xeebta deegaanka muddo afar cisho.

“Maalintii afarad ayuu Markabku jooga xeebta Kabaal,waxaana ay noo sheegen rag Markabka saaran in cilid ku timid matoorku uu u soo caariyay,waxuu markabku rarna ganacsato waxuu ka yimid Dubia waxuuna ku sii jeeday dekedda Muqdisho,”ayuu yiri Axmed Cali oo kamid ah dadka deegaankaas oo la hadlay warbaahyinta gudaha.

Axmed Cali waxuu sheegay in dadka deegaanka oo is xilqaamay ay garsiiyeen cunto iyo biyo gurmad ah shaqaalaha saaran Markabkan oo laga leeyahay dalka Siiriya, waxaana bad-maaxinta saaran ay isugu jiraan Afrikaan iyo carab.

Ciidamo ka socda kuwa ilaalada xeebaha Puntland ayaa sidoo kale la sheegay in ay gaareen deegaanka Kabaal si ay u ogaadaan xaaladda shaqaalahan oo dhowr maalin badda dul-sabaynayay.

Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay ganacsatada uu Markabku u raran-yahay,balse waxaa la sheegay inay shaqaalaha iyo agabkii saarnaa markabka ay badqabaan.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *