Home.Warka

Qarax Amisoma lagula eegtay Shabeelada hoose iyo Xoolo Ay laayeen

Like Tweet Pin it Share Share Email

SOMALIA-UNREST

Galabnimadii Khamiista ee aynu kasoo gudubnay ayaa halka lagu magacaabo Fidada Qoorey ee u dhow Deegaanka Wareer Male oo  ku taalointa u dhaxaysa Buulo Mareer iyo Ambareeso waxa halkaas qarax lagula eegtay Ciidamada Amisom.
Qaraxa oo ahaa Miinada nooca Dhulka lagu aaso ayaa qaraxaasi ka dib Ciidamada Amisom waxa ay fureen rasaasta ka dhacda Qoryaha ku xiran gaadiidka waaweyn ee ay isticmaalaan.
Rasaasta ayaa inta la ogyahay wax ku dhintay Saddax Neef oo Geel ah iyo Nin kale oo oo ka ag dhawaa halkii qaraxa uu ka dhacay kaas oo watay Gaari Dameer isagoona kusii jeeday Dhaan.
Goobta Galabtii Arbacada qaraxa lagula eegtay Ciidamada Amisom ayaa hadana Maanta wax yar ka hor salaadii Jimcaha waxa ka dhacay qarax kii maalintii hore aan waxba ka duwanayn taasi bedelkeedana Amisom ayaa gaysatay khasaare kii Arbacadii ka badan.
Markii uu dhacay qaraxa ayaa amisom sidii lagu bartayba waxa ay fureen Rasaas xoog leh oo laga maqlayey dhamaan deegaanada u dhow Wareer Male Rasaastii Maanta waxa ku dhintay ilaa iyo Toban Nef oo Geel ah iyo ninkii watay oo Magaciisa aan ku helnay Maaday Xusayn Bulow waxaana sidoo kae ku dhaawacmay nin kale oo meesha ka ag dhawaa.
Labada jeer ee Amisom Qaraxa lala eegtay ayaa sida lasoo wariyey wax khasaare ah aanan ka soo gaarin qaraxa laakiin baqdinta qaraxyadaas ayaa ciidamadan waxa ay ku kaliftay inay dhibaateeyaan ayna ceertoobaan dad aan waxba ka ogayn falalka amni daro ee ka dhaca halkaasi.
Falalk noocaan oo kala ah oo in badan ay ku caan baxday Amisom ayaa dadka wax indha indheeya waxay sheegayaan inay keeni karto is bahaysi dhex mara kooxaha gaysanaya amni darada iyo shacabka ay mar walba bartilmaameedsanayso Amisom waana dhibaato hor leh oo ksuoo ziyaaday Deegaanadii dhawaan ay isaga baxaeen Ciidamada Dagaalamayaasha Shabaab.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *