Home.Warka

Shirkii Garbahaareey oo isku bedeley shir Hal qooys wataan

Like Tweet Pin it Share Share Email

20141005_1506261

Shir dhowaan ka furmay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, iyadoo markii horena ujaadada shirkaasi lagu sheegay midnimada Beesha SADE ayaa hadda warar la xaqiijiyey waxay sheegayaan in shirka uu isu bedelay Shir Siyaasadeed, kaasi oo la doonayo in Gobolka looga abuuro deganaansho la’aan iyo khal khal siysaadeed. Xubno Siyaasiyiin ah oo in mudo ah ku sugan Garbahaarey ayaa ugu dambeentii waxay la soo baxeen Ajendooyin u qarsoonaa oo la xariira dhinaca Siyaasada iyo u hanqaltaagida Maamul Goboleed uu yeesho Gobolka Gedo oo qura, taasi oo ka yaabisey Ergooyinkii ka qeyb galayey Shirka..

Maamulka Gobolka Gedo iyo Odoyaasha dhaqanka Gobolka ayuu sheegay shir ay shaley galab ku yeesheen Magaalada Garbahaarey in ay isku raaceen in la xiro shirka.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *