Dagaalada Deefow ee Gobolka Hiiraan Waa Laga Gaabiyay

DAGAAL-BEELEED

Deegaanada Deefow iyo kabaxanley oo dhow magaalada Belet Weeyne oo ah meelaha ay ku soo noq noqdeen dagaalada u dhexeeyay dhalinyaro deegaanka ah iyo maleeshiyaad la sheegay in Abaabulkooda ay ka dambeeyaan Maamulka dowlada ee gobolkaa hiiraan,

Ayaa waxaa dowlada lagu eedeeyay in ay ka gaabisay xakameynta dagaalada ka dhacaya deegaanadaasi.

Mid kamid ah Aqoonyahanada Somaalyed oo  ahadlay ayaa waxa uu dowlada ku dhaliilay in ay iska indha tireyso dhiiga ku daadanaya Deefow.

“Gudi ayaa loo saaray dagaalka mudo bil ah waxa ay joogaan hoteelada Xamar dadku beera ma fashaan haraad ayay u dhimanaayaan, maalinta koobaad marka ay shan dhimato maalinta xigta hadii lagu tala gali lahaa dad kale kuma wax yeeloobi lahaayeen Colaada”Ayuu yiri Aqonyahan magaciisa diiday in la xigto.

Geesta kale Aqoonyahanka ayaa  ka hadlay Colaada iyana ka taagan gobolka Ahabeelada hoose oo uu ku eedeeyay in dowlada ay indhaha ka daawaneyso.

“Adeer Waxaan kuu sheegayaa kuwaa oo dhan dowladu ma’aragto I laah ayaa kula xisaabtamaya” ayuu yiri Aqoonyahanka.

Tan iyo markii dowlada federaalka ay isku balaarisay deegaano iyo degmooyin ka tirsan dalka ayaa waxaa bilowday dagaal ku saleysan dhanka qabaailka oo mudo sanado ah ay somaaliya ka nasatay.

Dagaalada ka taagan gobolka hiiraan wali wax xal ah lagama gaarin iyadoo kan Shabeelada hoose aysan jirin cid wax iska weydiisa.

Share this post

Post Comment