Home.Warka

Dowlada Soomaaliya oo Heshay Deeq Waxbarasho iyo Arday imtixaan u Galay

Like Tweet Pin it Share Share Email

sch

iskuuWazaarada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumada faderaalka soomaaliya ayaa maanta imtaxaan deeq waxbarasho oo dibada ah waxa ay u fariisisay 352 ardaydakuwaa oo laga kala keenay iskuulada ku yaala gobolkan banaadir iyo gobolada dalka madasha imtaxaanka ardayda looga qaaday oo aheyd lka maxamuud mire oo ku yaala dagmada waabari ee gobolka banaadir, waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan dowlada ,xidhibaano ,waziiro, gudiga arimaha bulshada ee baarlamanka jamhuuriyada faderaalka ee soomaalia waalidiin iyo masuuliyiin kale oo ka socday daladaha waxbarasho ee dalka.

Ducaale aadan maxamed waziirka wazaarada hidaha iyo tacliinta sare imtaxaankan ardayda faraha badan ay u fariisteen ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay arday intaan la eg ay si cadaaladi ay ku dheehantahay ay maanta u fariistaan imtaxaan waxa uu intaa ku daray in uu u mahad celinayo dowlada deeqdan waxbarasho ugu deeqday soomaaliya .

Intaa kadib qaar kamid ardayda u fariistay imtaxaanka  ayaa waxa aan dhowr su,aal ka weeydiiyay qaabka uu ahaa imtaxaanka iyo waxa ay ka filankaraan guul ama guul daro waxayna badi shaaciyeen rajo weyn qabaan.

Sikastaba ha ahaatee deeqdani waxbarasho ayaa dhawaan dowlada ciraaq waxa ay ugu deeqday dowlada soomaaliya balse su,aasha ay shacabka soomaaliyeed is weydiinayaan ayaa aha dowlada ciraaq oo dhibaata xoogan dalkeeda ay ka taaganyihiin oo hadana wada garab istaaga dowlada soomaaliya oo hada kasoo ka baneeysa bur burkii soo maray

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *