Labo kunteenar oo khamri ah oo lagu bur buriyay Muqdisho kaddibna la aas + VIDEO”

Ciidamada ammaanka ayaa Dekeda Muqdisho ku qabtay labo koonteenar la sheegay inay ka buuxeen Khamri, iyadoo halkaas lagu wado in loogu soo bandhigo Saxaafada.
Konteenarada qamriga sida ayaa waxaa laga dejiyay mid ka mid ah maraakiib ku soo xirtay Dekeda Muqdisho, waxaana la sheegay in la doonayay in si qarsoodi ah loo soo geliyo magaalada Muqdisho.
Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka Dekeda Muqdisho ayaa  xaqiijiyay  in labada konteenar lala qabtay dadkii waday, inkastoo aan la ogeyn cida ay yihiin.
Mas’uuliyiin uu horkacayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ku sugan Dekeda Muqdisho, waxaana la filayaa inuu kula hadlo saxaafada.
Qamrigan faraha badan ayaa lagu wadaa in  lagu gubo barxada Iskool Polizio, waana markii u horeysay qamrigii ugu badnaa ee ay dowladda gacanta ku dhigto.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu mamnuuc yahay ka ganacsiga qamriga iyo in dalka la soo geliyo, balse waxaa la sheegaa in si qarsoodi ah dalka lagu keeno.

Share this post

Post Comment