Dukaamo ku yaalo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo la sheegay in Qamriga lagu iibiyo

liquor

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa si rasmi ah shaaca uga dhigay inay ka warhahayaan dukaamo lagu iibiyo Qamriga oo ku yaala Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Xeer Ilaaliyaha, ayaa ku waramaaya inaanay aqbali doonin in maandooriyaha lagu dhex iibiyo Garoonka Aadan Cadde, wuxuuna ku goodiyay in tallaabo adag laga qaadi doonto, cidii lagu helaa iyadoo ka ganacsaneyso, sida uu yiri.

Axmed Cali Daahir, ayaa xusay in dadka qamriga ku dhex iibiya Garoonka Aadan Cadde ay isugu jiraan Soomaali iyo ajaaniiba, iyadoo uu balanqaaday inay wax ka qaban doonaan.

Waxa uu digniin adag u jeediyay dadka gudaha dalka soo gelinaaya qamriga iyo kuwa kale ee ka ganacsanaaya, wuxuuna intaa ku daray inay jiri doonaan tallaabooyin adag oo laga qaadaayo, haddiiba lagu soo qabto.

 

Sidoo kale waxa uu Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom uu u sheegay in dalkaan looga dhaqmo Shareecada Islaamka, isla-markaana uu mamnuuc ka yahay qamriga, ayna ku wargelinayaan inaan lagu iibin karin Garoonka Aadan Cadde.

Share this post

Post Comment