Midowga Yurub oo taageeray horumarka ay ku talaabsatay dowlada Soomaaliya

EU_Flag

Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay horumarka ka jirta dalka gaar ahaan dhinacyada Siyaasada iyo amniga wixii ka dambeeyay shirkii lagu magacaabay New Deal ee lagu qabtay Brussels bishii September sanadkii 2013-ka.

Golaha Midowga Yurub u qaabilsan xagga arrimaha dibadda ayaa warbixin ay maanta ka soo saareen magaalada Brussels ee dalka Belgium lagu soo dhaweeyay horumarka ay ku talaabsatay dowladda, isla markaana dalka gaarsiin karta marka la gaaro sanadka 2016-ka in uu dhaco doorashooyin.

“Inkasto oo horumar la gaaray bilihii ugu dambeeyey waxaa weli jirta baahi loo qabo dadaal dheeraad ah in la bixiyo, si loo oofiyo balan qaadyadii ay horey dowladdu u sameysay ee shirkii Brussels, waxaana uu soo dhaweeyay shirkii arrimaha amniga looga hadlayay ee lagu qabtay London 18-kii September ee sanadkan, taasi oo quseysay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa ciidanka Soomaaliya, iyadoo ay tababaro siinayaan Midowga Yurub” ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu xusay in Midowga Yurub uu doonayo in la qabto shirweyne heer Wasiir ah oo quseeya arrimaha Soomaaliya, kaasi oo lagu qaban dono magalada Copenhagen ee dalka Denmark bisha November ee sanadkan, waxaana shirkaasi lagu qiimeyn doono waxyaabaha ka qabsoomay Hiigsiga cusub iyo caqabadaha hortaagan.

Midowga Yurub waxa uu soo dhaweeyay hoos u dhaca xagga burcad badeedda ee gacanka carbeed iyo badweynta Hindiya, waxaana uu ka digay in taageero la siiyo burcad badeedda, dhoofinta dhuxusha iyo dadka sida sharci darrada ah ku tahriibinaya dadka.

Midowga Yurub ayaa ugu dambeyntii muujiyay wal walka uu ka qabo arrimaha beni;aadanimo ee ka taagan Soomaaliya, waxaana uu ku baaqay in gar gaar la gaarsiiyo Soomaaliya.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post