Wasiirka Warfaafinta: “Kalsooni dhisidda shacabka waxa uu muhiim u yahay in horumar dhanka nabadda iyo xasiloonida laga gaaro Soomaaliya

???????????????????????????????

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya mudane Musftaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta marti geliyay shir muhiim ah oo looga hadlayay  sida ay u wada shaqayn karaan laamaha amniga iyo shacabka Somaaliyeed ayna ka qeyb galeen saraakiil ka kala socotay Booliska Soomaaliya iyo AMISOM, kaasi oo u jeedkiisu ahaa in si wada jir ah looga wada shaqeeyo nabadgelyada iyo xasiloonida.

Wasiir Dhuxulow oo shirka furay ayaa u mahadceliyay inta ka qeyb gashay kulanka, waxaana uu intaa ku daray in Wasaaraddu ay diyaar u tahay la shaqeynta AMISOM, ciidanka booliska iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo xoojiyo amniga, isla markaana ay Wasaaraddu u dar dargeliso ololaha ku saabsan wacyigelinta bulshada.

Taliyaha ciidanka Booliska AMISOM Annad Pillay iyo Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliya Kornayl Yuusuf Maxamed Faarax oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay ciidamada aan shaqeyn karin, haddii aysan taageero buuxdo ka helin shacabka, waxaana ay taasi ku tilmaameen  inay keeneyso horumar dhanka amniga ah marka lala shaqeeyo ciidanka iyo isla xisaabtan dhab ah.

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo shirka soo xiray ayaa yiri: “AMISOM iyo booliska Soomaaliyeed waxa ay hayaan shaqo wanaagsan oo ah ka miradhalinta nabadda iyo xasiloonida, iyadoo ay jiraan caqabado ay wajahaan, gaar ahaan falalka guracan ee argagixisada, waan inaan taageernaa hay’adaha ammaanka, Wasaaradda Warfaafinta waxa ay diyaar u tahay inay la shaqeyso booliska iyo bulshada rayidka, si aan shacabka ugu muujino, balanqaadka iyo rabitaanka ah in nabad iyo xasilooni ay gaarto Soomaaliya”.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post