Home.Warka

Arday soo saartay hab cusub oo loo beeri karo cawska caro la'aan

Like Tweet Pin it Share Share Email

DSC07506-300x225

Ardaydani  oo   wax  ka barata  Jamacadda  Jazeera    magalada Muqdisho  gaar ahaan Kuliyadda  Beeraha iyo  Xanaanada   Xoolaha ayaa maanta    magalada Muqdisho ku soo ban dhigay  hab   abuur cusub   oo aan  horey looga  aqoon dalka    iyagoo  soo  saaray     calafka xoolaha    oo labeerayo   ciid la’aan ,ama    caro la’aan.

Cowskan  ku  baxaya ciid  la’aanta oo ay maanta soo bandhigeen ardayda     wax ka barta  Jamaacdda   Jazeera   ayaa  ah     calafka laga  beeray    abuurka Masagadda ee   ka baxda  dhulkeen  isla markaana ay  mudo todobaadyo ah    kadib noqonaya   cows   lasiin karo   xoolaha ,Waxeyna  sheegeen ardayda  in calafkaan la beerayo   ciid  la’aanta ay  uu kaalin  weyn  ka qaadan karaan   bad badinta  xoolaha   Dadka Soomaaliyeed  ee markasta oo ay abaaro ka dhacaan dalka ay  ku  la’daan  xoolo badan.

DSC074901-300x225

Mid ka mid ah ardaydaasi  soo  diyaarisay    hanaankan cusub oo loo diyaariyo beerista abuurka cawska ayaa sheegay in isku day badan ka dib ay ku guuleysteen in ay soo saaraan caws baxaya ciid la’aan.

Hormuudka  Kuliyada    Beeraha iyo Xannaanada Xooolaha ee Jamaacadda Jaziira  Maxamed    Dayib Sheekh Abuukar  oo aan  waraysi gaar ah siiyey  Dawlada  ayaa  sheegay in  faa’idada ugu weyn oo arrinta ay  leedahaya ay tahay in muddo kooban gudaheeda lagu soo saari karo caws ay Xoolaha cuni karaan taasina ay tahay hab cusub oo loo beeri karo calafka Xoolaha.

Waa   markii ugu  horaysay  ardayda wax ka abarta  Jamaacdaha  wadanka ay soo   sareen    habkani ciusub ee lagu beerayo  calafka Xoolaha   waxayna tani muujinaysaa   sida    ardayda Soomaaliyeed ay kaga  go’antahay  in  hormariyaan aqoontooda isla markaana soo saaraan wax faa’ido u leh dadka Soomaaliyeed.

DSC07504-1

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *