Home.Warka

Qaxooti Soomali ah oo wadankoodii ku laabanaya

Like Tweet Pin it Share Share Email

Dadaab-camp-150x150Qaar ka mid ah dadka qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xeryaha qaxootiga Dha-dhaab ee dalka Kenya, ayaa qorsheynaya sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen dalkooda Soomaaliya kaddib markii ay bilaabeen in ay is diiwaangeliyaan dadkaasi.

Hey’adaha ka shaqeeya diiwaangelinta qaxootiga Soomaaliyeed ee doonaya in ay dalkooda ku laabtaan kuna sugan xeryaha qaxootiga Soomaalida  Dha-dhaab ee dalka Kenya, ayaa sheegay in ay heleen liiska ku dhowaad 2,000 oo dad Soomaaliyeed ah isla markaana  doonaya in ay dalka Soomaaliya ku laabtaan, si ay uga mid noqdaan qaxootiga sannadka soo socda loo soo rari doona gudaha Soomaaliya, waana heshiis ay wada gaareen dowadaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dad badan oo ku sugan Xeryaha Dha-dhaab ayaa codsaday in lagu daro liiska dadka dib u dejinta loogu sameyn doono deegaannadii ay  ka soo carareen markii hore ee Soomaaliya, waana arrin ku cusub xeryaha qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *