Aqooyahano iyo wax garad eedeyn kulul u jeediyay hogaanka dalka.

Ku-odayal

Kadib kulan balaaran oo ay soo qabana qaabiyeen odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda deegaanada kabxanleey iyo deefoow oo ka wada tirsan gobolka hiiraan, ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen magaalada caasimada ee Muqdisho, iyagoona kulankooda diirada ku saaray dhibaatada daba dheeraatay oo u dhaxeysa Qabaailad halkaasi kuwada nool iyo socdaalka Madaxweyne Xasan sheekh maxamuud uu maanta ku gaaray Magaalada balad weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

C/wali maxamed ibraahin oo kamid ah odayaasii kulanka maanta ku yeeshay Muqdisho oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ujeedka madaxweyne xasan sheekh uu baladweyne u tagay in ay tahay mid uu ku marin habaabinayo hadal dhawaan kasoo baxay xukuumada fedaraalka ee soomaaliya kaa oo ku aadanaa in ay gudi u sameeyeen xalinta khilaafaadka iyo colaadaha ka aloosan kabxanleey iyo deefoow .
Sido kale kulanka waxaa ka hadlay waxgarad farxaan cali fiqi oo sheegay in ay aad usoo dhaweeynayaan go,aanka golaha waziirada ee xukuumada soomaalia qaabka ay gudiga ay ugu saareen dhibaatada ay ka damadeen oo mudo sanado ku habsatay maatida kunool deegaanka deefoow.
Si kastaba ha ahaatee odayaashani ayaa ugu danbeen waxa ay cod dheer ku sheegeen in tagitaanka madaxweynaha dalka ee baladweyne uusan waxba soo kor dhineeynin

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post