Home.Warka

Gaalkacyo: Qaraxyo laga qabtay

Like Tweet Pin it Share Share Email

cdnnbbmm-620x330

Ciidamada Amaanka Maamulka Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta Gacanta  ku dhigay Waxyaabo Qarxa kadib Howlgallo ay ka sameeyeen Xaafadaha Koofureed ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Cali “Gadaar”oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Saldhiga dhexe ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Qaraxyadaan la doonayay in Falal Amandaro lagu geeysto islamarkaana Qorshahaasi ay maleegayeen rag ka tirsan Al-shabaab sida uu yiri.

Wariyaasha ayaa loogu soo bandhigay Waxyaabaha Qarxa ee Ciidamada Galmudug ay qabteen,inkastoo aysan sheegin in Dadkii ku howlanaa Gacanta lagu soo dhigay.

Ciidamada Maamulka Galmudug ee Magaalda Galkacyo ayaa Magaalada ka wada Baaritaano ay ku sheegeen in ay ku xaqiijinayaan Amaanka Magaalada.

 

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *