Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday Beledweyne.

Xasan-Sheekh-safar-374x300

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga madaxwaynaha ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne, iyadoo maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada Beledweyne, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ay ka qeyb galeen soo dhaweyntiisa.

Amaanka guud ee magaalada Beledweyne ayaa si weyn loo adkeeyay.

Madaxwaynaha ayaa ku sugan xarunta Ceel-jaalle, halkaas oo uu kulamo kula qaadanayo mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada, saraakiisha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa nabad-ilaalinta Midowga Afrika, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada.

Wafdiga madaxweynaha ayaa ka soo ambabaxay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ay saakay booqasho ku tageen.

 

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post