Siddeed qof oo harraad ugu dhintay meel u dhow Bu’aale.

thirst in somalia

Siddeed qof ayaa la sheegay inay harraad ugu geeriyoodeen tuulooyin fog-fog oo u dhaxeeya Gerilley oo ka tirsan gobolka Gedo iyo degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe.

Deegaannadan ayaa ka mid ah meelaha ay sida ba’an u saameysay abaarta ka jirta qeybo ka tirsan Soomaaliya.

Aar Maxamuud oo ka mid ah odayaasha deegaanka Gariley ayaa BBC u sheegay in dadka geeriyooday ay dhammaantood ahaayeen dad reer guura ah oo qofka ugu yar uu ahaa wiil 14 sano jir ahaa.

Aar ayaa tilmaamay in dadka geeriyooday ay toddobaadyo ka hor xoolahooda u kaxeeyeen deegaannada Afmadow ilaa Jilib, balse maalmo kaddib ay damceen in ay dib ugu soo laabtaan deegaanka Gerilely oo loo sheegay in roob xooggan uu ka da’ay, wuxuuna sheegay in intii aysan deegaanka soo gaarin ay gaajo iyo harraad u geeriyoodeen.

Wuxuu intaas ku daray in dadka deegaanka ay soo qaadeen ilaa 28 qof oo harraad dartii la dhaqaaqi waayey, wuxuuna sheegay in ay jiraan dad la la’ yahay oo uu xusay in ay ka mid yihiin dhowr qof oo ehelkiisa ah.

Xaaladda abaareed ee ka taagan qeybo ka mid ah gobollada Soomaaliya, gaar ahaan Gedo iyo Jubbada dhexe ayaa aad u sii xumaaneyso, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan weli wax gurmad ah u fidin shacabka abaaraha ku dhufteen ee ku nool gobolladaas.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post