Weerar ka dhacay Pakistan

A Kashmiri man and child weep after earthquake in Baramulla, north of Srinagar

Sideed qof ayaa ku dhintay weerar ka dhacay gobolbolka Balochan ee ku yaala konfurta galbeed ee dalka Pakistan.

Dablay ayaa rasaas ku furtay bas marayey goob suuq ah oo ku taala Magaalada Quetta.

Magaalada Quetta, waxa ka dhacayey weeraro ay qaadayeen suniyiinta sanadooyinkii la soo dhaafay.

Waxa inta badan weeraradan lagu bartilmaamaydsaday qoomiyadda Hazaras ee shiicada ah.

Guddiga madaxa banaan ee xuquuqda aadanaha ee Pakistan ayaa sheegaya in weerarada ay sababeen in in ka badan laba boqol oo kun oo qoomiyadaan Hazaras ka tirsan ay isaga tagaan Pakistan ama magaalada Quetta tobankii sano ee la soo dhaafay.

Share this post

Post Comment