Boqolaal ruux oo ka barakacaya fatahaada wabiga Shabelle ee magaalada Beledweyne

Beletweyne-Flooding-02

Dadkii ka barakacayay fatahaada wabiga Shabelle ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay iyadoo boqolaal ruux ay ka cararayaan guryihii ay degenaayeen.

Wabiga Shabelle ayaa gaaray heerkiisii ugu sareeyay iyadoo cabirkiisu uu gaaray in ku dhow 8m waana markii ugu horeysay ee wabigu gaaray heerkaas.

Dadka ayaa u barakacayay duleedka bari ee magaalada Beledweyne iyadoo dadku ay ka qaadanayaan guryahooda wixii ay isleeyihiin waad u baahan tihiin.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne  Cumar Aadan ayaa sheegay in dad gaaraya 2,500 oo ruux ay ka barakaceen guryahooda isla markaana ay u baahan yihiin gargaar.

Xaafadaha ugu daran ee ay dadku ka barakacayaan ayaa waxaa ka mid ah xaafada Kooshin iyo Xaawo Taako.

Guddoomiyaha degmada Baledweyne ayaa sidoo kale sheegay in guddi isugu jira maamulka gobolka Hiiraan iyo ha’yadaha samafalka loo xil saaray gargaar loo fidinayo  dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post