Xildhibaanno wada Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaare C/wali…..

RW-Cabdiweli-Sheekh-MaxamuudIyadoo uu soo ifbaxay Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare C.wali Sheikh Axmed,kaas oo salka ku haya Arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay Isku Shaandheyntii Ra’iisul Wasaaraha uu ku sameeyay Qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa waxaa soo baxaaya Warar sheegaya in Xildhibaano Baarlamaanka kamid ah ay wadaan Mooshin ay ku doonayaan in ay ku ridaan Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya.

Illo Wareedyo ku dhaw Xafiiska Gudoonka Sare ee Baarlamaanka ayaa Allsomaliweyn media  u Xaqiijiyay jiritaanka Wararka sheegaya Mooshinka,inkastoo aysan noo cayimin Tirada Xildhibaanada wada Mooshinka.

Xildhibaanadaan Mooshinka wada ayaa la sheegay in ay ku Fakir yihiin Madaxweynaha islamarkaana ay  diidan yihiin Isbadalka lagu sameeyay Xubno kamid ah  Golaha Wasiiradda.

Sidoo kale waxa jira Xildhibaano la safan Ra”iisul Wasaaraha, qabana in R/wasaarahu uu ku saxnaa tilaabooyinkii uu qaaday marka loo eego Dastuurka dalka.

Dhinaca kale Warar ay heshay A ayaa sheegaya in wasiirro katirsan Xukumadda Cabdi Wali ay qorsheynayaa in ay is casilaan si uu u sii dheeraado Khilaafka labada mas’uul

Mar waliba oo ay is Khilaafan Madaxweynaha iyo R/wasaaraha, Xildhibaanada iyo Wasiiradu waxay la kala saftaan labada dhinac , iyadoo Khilaafku markii uu dheeraado Beesha Caalamkana ay soo faragaliyaan ugu dembeyntii meesha wuu ka baxo Ra’iisul Wasaaraha.

Share this post

Post Comment