AMISOM: 8-magaalo ayaan Al-shabaab kala wareegnay

201493635453245854429522Amisom1

Madaxda Midowga Africa ee arimaha Soomaaliya Maman Sidikou ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida oo wada jira ay tan iyo bishii September ay dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegeen 8-magaalo oo ay saldhigyo waa weyn ay ku lahaayeen Al-shabaab.

Maman Sidikou waxa uu shaaca ka qaaday goobaha ay Al-shabaab ay kaga harsan yihiin ay yihiin Jamaame, Jilib, Buale iyo Sakow oo kwada tirsan Jubada dhexe, sidoo kale Diinsor oo ka tirsan gobolka Bay iyo Bardhere oo ka tirsan gobolka Gedo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan degaano yar ay Xarakada Al-shabaab kaga sugan yihiin sida El-Dere oo hoostagta gobolka Shabeelaha dhexe.

Sidikou ayaa ka qeyb galay kulankii ka dhacay wasaarada gaashandhiga ee fursad kordhinta loogu sameeyey dagaalamayaasha Al-shabaab inay isku soo dhiibaan xukuumada Soomaaliya.

Sidikou waxa uu tilmaamay inuu wanaagsan yahay hada xaalada amaan ee magaalada Muqdisho.

Madaxda midowga Africa ee arimaha Soomaaliya Maman Sidikou ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in ay dib isku soo uruursadaan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Meelihii ugu dambeeyey ee lagala wareegay Xarakada waxaa ugu muhiimsanaa degmada Baraawe ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose.

 

Share this post

Post Comment