Ban Ki-moon oo gaaray Muqdisho.

Ban-iyo-madaxda-dowladda-Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho.

Diyaarad sidday wafdiga Ban ayaa goor dhowayd ka degtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, sida uu ku soo warramay weriyaheenna Muqdisho.

Madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa wafdiga Ban Ki-moon ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha.

Ban ayaa lagu wadaa inuu madaxda Soomaalida kala hadlo xaaladda siyaasadda dalka iyo abaarta ka taagan qeybo ka tirsan dalka.

Booqashadiisa ayaa ku soo beegantay xilli guulo wax ku ool ah laga gaaray dagaalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale booqashadiisa ayaa ku soo aadday iyadoo xaalad bin’aadannimo oo adag ay ka taagan tahay qeybo badan oo ka tirsan dalka.

Ban waxaa socdaalkiisa ku wehliya Guddoomiyaha Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim iyo wakiillo kale oo sar-sare.

Waa booqashadii labaad ee Ban Ki-moon uu ku tegay Soomaaliya. Bishii December, 2011 ayay ahayd markii uu booqashadiisii ugu horreysay ku tegay magaalada Muqdisho.

Dhammaan waddooyinka waa weyn ee caasimadda ayaa la xiray, iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post