Iskahorimaad ku dhex maray deegaan ka tirsan Mahaday dadka deegaanka iyo ururka Alshabaab

DagaalWararka ka imaanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in iskahorimaad hubeysan uu ku dhex maray deegaanka Iji qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo maleeshiyaad ka tirsan ururka Alshabaab.

Iskahorimaadkan ayaa waxaa ku dhintay saddex kamid ah ciidamada ururka Alshabaab oo uu ku jiray sarkaal sare oo caan ka ahaa deegaanada ku dhow dhow degmada Mahaday.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in iskahorimaadkan uu ka dhashay kadib markii maleeshiyaad ka mid ah ururka Alshabaab ay weydiisteen lacago la sheegay in ay tahay Zako ku waajibtay beeraha.

Hase ahaatee qaar ka mid ah dhalinyarada deegaanka Iji ayaa waxa ay si gaadmo ah ku dileen Xasan Faqi oo ahaa amiirka deegaankaa iyo labo kale oo ahaa ilaalada amiirkan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Mahaday iyo sidoo kale ururka Alshabaab.

Deegaano ku yaal dhinaca Bari ee wabiga Shabeelle ee hoos taga degmada Mahaday ayaa waxaa weli maamula ciidamo ka mid ah ururka Alshabaab. Iska horimaadkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee ay dadka deegaanka iyo ciidamada Alshabaab ku dhex mara deegaano ka mid ah Mahaday ee gobolka Sh/dhexe

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post